Hirshabelle Logo
Pier Goodman
PARTY SECRETERY
Do you face issue campaign
15%
Is candidate perfect for you
75%
Is candidate have any claim
05%
I have no comments
35%

News

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa maanta magaalada Balcad ku qabatay Xafladda soo xiritaanka geeddi-socodka dhismaha Guddiga Nabadda iyo Xasillinta Degmada Balcad, DPSC
18 Nov, 2025
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa maanta magaalada Balcad ku qabatay Xafladda soo xiritaanka geeddi-socodka dhismaha Guddiga Nabadda iyo Xasillinta Degmada Balcad, DPSC Munaasabadda Waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Agaasimaha Guud ee Wasarradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Agaasimaha Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, gudoomiye Ku xigeenka Degmada Balcad ahna ku simaha Guddoomiyaha Degmada Balca, Xoghyaha Dowladda Hoose ee Degmada Balcad, Golaha Deegaanka Degmada, Xubnaha Guddiga Xasiilinta Degmada, shaqaalaha Degmada. Xafaladda waxaa si rasmi ah usoo xeray wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) isagoo kula dardaarmay gudiga inay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka Degmada oo uu hogaamiyo Mudane Qaasim Cali Nuur. DHAMAAD
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa Magaalada Warsheekh ka daahfurtay tababar ku saabsan Dhismaha Awoodda Isku-dhafka ah,
18 Nov, 2025
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa Magaalada Warsheekh ka daahfurtay tababar ku saabsan Dhismaha Awoodda Isku-dhafka ah, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta hay’adaha dowladaha hoose iyo kor u qaadista iskaashiga ka dhexeeya bulshada iyo maamulka hoose oo aan iska kaashaneyno Hay’adda FCA iyo SSF3 Tababarkan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu kobciyo waxqabadka iyo tayada hay’adaha dowladaha hoose, isla markaana lagu xoojiyo xiriirka bulshada iyo dowladaha hoose, iyadoo la hormarinayo isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo adeegyada bulshada. Waxaa tababarku si gaar ah xooga usaari doonaa kor u qaadida xirfada ka qeyb-galayaasha ee la xiriirta arrimaha maamul wanaaga, hoggaaminta iyo hababka isla xisaabtanka ee lagama maarmaanka u ah dhismaha dowladnimo hoose oo hufan. Tababarkaan ayaa socon doono muddo shan maalin, waxaana ka qeyb-galaya xubno ka socda golaha deegaanka degmada, dhalinyarada, haweenka, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa maanta magaalada Jowhar ka daahfurtay tababar ku saabsan Dhismaha Awoodda Isku-dhafka ah,
17 Nov, 2025
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa maanta magaalada Jowhar ka daahfurtay tababar ku saabsan Dhismaha Awoodda Isku-dhafka ah, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta hay’adaha dowladaha hoose iyo kor u qaadista iskaashiga ka dhexeeya bulshada iyo maamulka hoose oo aan iska kaashaneyno Hay’adda FCA iyo SSF3 Tababarkan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu kobciyo waxqabadka iyo tayada hay’adaha dowladaha hoose, isla markaana lagu xoojiyo xiriirka bulshada iyo dowladaha hoose, iyadoo la hormarinayo isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo adeegyada bulshada. Waxaa tababarku si gaar ah xooga usaari doonaa kor u qaadida xirfada ka qeyb-galayaasha ee la xiriirta arrimaha maamul wanaaga, hoggaaminta iyo hababka isla xisaabtanka ee lagama maarmaanka u ah dhismaha dowladnimo hoose oo hufan. Tababarkaan ayaa socon doono muddo shan maalin, waxaana ka qeyb-galaya xubno ka socda golaha deegaanka degmada, dhalinyarada, haweenka, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Tababarka waxaa furay duqa caasimaha Jowhar mudane Cismaan Maxamed Mukhtaar
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle oo maanta ka daahfurtay Degmada Balcad tababarka shaqo kusoo dhoweynta golaha Deegaanka Degmada Balcad iyo Shaqaalaha Degmada.
15 Nov, 2025
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle oo maanta ka daahfurtay Degmada Balcad tababarka shaqo kusoo dhoweynta golaha Deegaanka Degmada Balcad iyo Shaqaalaha Degmada. Ujeedooyinka Tababarka Hordhaca ah ee loo qabtay Xildhibaanada Cusub ee Degmada Balcad waxaa ka mid: 1. Xoojinta Fahamka Doorarka iyo Mas'uuliyadaha iyadoo la hubinaayo in xildhibaanadu si buuxda u fahmaan waajibaadkooda, iyo awoodahooda sharci.. • In la caddeeyo kala soocida siyaasad-dejinta (golayaasha) iyo maamulka (fulinta degmada). 2. Kobcinta Maamul wanaaga iyo Xirfadaha Hogaaminta 3. Horumarinta Aqoonta Nidaamyada & Qaab-dhismeedka Dawladaha Hoose Tababarkan waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) isagoo kula dardaarmay Golaha Deegaanka Degmada Balcad iyo shaqaalaheeda inay si wanaagsan uga faa’ideystaan tababarkaan qiimaha leh.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle oo weli ka wada Degmada Balcad tababrada iyo Kulamada ayaa qabatay kulanka guddiga DPSC ee Balcad,
13 Nov, 2025
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle oo weli ka wada Degmada Balcad tababrada iyo Kulamada ayaa qabatay kulanka guddiga DPSC ee Balcad, akhrinta iyo ansixinta Xeer-hoosaadkooda (ToR) Kulankaas Guddiga Nabadda iyo Xaasilinta Degmada Balcad waxay isaga dhex doorteen gudoomiye, ku xigeen iyo Xoghaye. Tababarkan waxa uu ka mid yahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle ay ku doonayso in lagu xoojiyo nidaamka amniga bulshada, maamulka deegaanka, iyo iskaashiga shacabka iyo hay’adaha amniga.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisinta Mudane Ceyduruus Macallin Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabelle
20 Oct, 2025
  • Jowhar- Oktoober 20th, 2025 Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisinta Mudane Ceyduruus Macallin Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabelle Mudane C/qaadir C/lle Xooshow ayaa maanta si wadajir ah u Daahfuray daadajinta awoodaha iyo Dhameystirka Furfurista Adeegyada Dowladda ee Dowlad-Goboleedka Hirshabelle kaas oo ay kasoo qeyb galeen howl wadeenada wasaaradaha iyo agaasimyaasha guud ee wasaaradaha Dowladda Hirshabelle. Ujeedada barnaamijkaan ayaa ahaa in la horumariyo isku xirnaanshaha shaqada iyo kor u qaadista wacyiga iyo fahamka shaqaalaha Dowladda, sidoo kale dhisidda isfaham guud oo ka dhexeeya dhammaan wasaaradaha iyo Hay;adaha Dowladda Hirshabelle taas oo ku saabsan geeddi-socodka hirgelinta federaalka, oo ay ku jiraan marxaladihii muhiimka ahaa ee la gaaray tan iyo Diseembar 2022 Heshiiskii Golaha Wada tashiga Qaranka NCC iyo in laga bixiyo dulmar cad oo ku saabsan hannaanka hirgelinta federaalka ilaa maanta. Bandhigga ka dib, Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha ayaa ka hadlay barnaamijkaan daadejinta awoodaha iyo asteynta awoodaha DHAMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE HIRSHABELLE Email: ictdepartment@moi.hs.so Facebook:
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle oo Daahfurtay Kulanka Khariidadaynta iyo Dhisidda Guddiga Kormeerka Bulshada Rayidka ee Degmada
18 Oct, 2025
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle oo Daahfurtay Kulanka Khariidadaynta iyo Dhisidda Guddiga Kormeerka Bulshada Rayidka ee Degmada . Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle oo kaashaneysa Mashruuca Horumar ee ay fulineyso hay’adda FCA ayaa maanta magaalada Warsheekh si rasmi ah uga daah-furtay kulanka khariidadeynta iyo dhisidda Guddiga Kormeerka Bulshada Rayidka ee degmada. Ujeeddada guud ee kulankaan ayaa ah in la xoojiyo waxtarka, isla xisaabtanka iyo jawaab celinta Golaha Deegaanka ee degmada Warsheekh, iyadoo diiradda la saarayo: 1. Dhisidda awoodaha hay’adaha iyo farsamada ee golaha deegaanka. 2. Xoojinta isla xisaabtanka iyo ka qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka maamulka daadejinta deegaanka. Kulanka ayaa sidoo kale lagu dhisayaa Guddiga Kormeerka Bulshada Rayidka ah oo matalaya qaybaha kala duwan ee bulshada, laguna kalsoon yahay inay si madax-bannaan u kormeeraan hufnaanta iyo daahfurnaanta howlaha maamulka degmada. Daahfurka kulanka waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee degmada Warsheekh, Mudane Maxamed Xasan Mataan. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Xoghayaha Dowladda Hoose ee degmada Warsheekh, Mudane Maxamed Maxamuud Xuubey, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, iyo wakiillo matalayey qaybaha bulshada sida haweenka, dhalinyarada, odayaasha iyo maamulka degmada. Kulanka oo soconaya muddo laba maalin ah ayaa lagu soo gabagabeyn doonaa dhismaha rasmiga ah ee Guddiga Kormeerka Bulshada Rayidka (CSOC) ee degmada Warsheekh, kaas oo lagu wado inuu noqdo madal muhiim ah oo bulshada u suurta galinaysa inay door muuqda ku yeeshaan kormeerka iyo horumarinta adeegyada bulshada ee degmada.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabelle ayaa maanta ku qabatay Magaalada Jowhar, Caasimadda Dowladda Hirshabelle tababar la xiriira Khariidadeynta iyo Samaynta Guddiyada Kormeerka Bulshada Rayidka ee degmada Jowhar
18 Oct, 2025
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabelle ayaa maanta ku qabatay Magaalada Jowhar, Caasimadda Dowladda Hirshabelle tababar la xiriira Khariidadeynta iyo Samaynta Guddiyada Kormeerka Bulshada Rayidka ee degmada Jowhar kaasoo iska kaashanayeen Hay;adaha FCA iyo SSF3. Ujeedada guud ee kulanka ayaa ahaa in la xoojiyo wax ku oolnimada, isla xisaabtanka, iyo ka jawaabista golayaasha deegaanka ee degmada Jowhar iyadoo: 1. La Dhisaayo awoodahooda hay'adeed iyo tan farsamo. 2. La Xoojinaayo isla xisaabtanka iyo ka qayb qaadashada muwaadiniinta ee Hannaanka Dowladaha Hoose. Kulankaas waxaa kasoo qeyb galay guddi hoosaadyada Golaha Deegaanka Degmada Jowhar, haweenka, dhalinyarada, ururka naafada, ururada Maxalliga ah, Warbaahinta, maamulka Degmada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle. Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle Mudane Nur Hassan Muse oo uuu wehliyo Duqa Caasimadda Mudane Cismaan Maxamed Mukhtar(Baareey) ayaa furay Tababarka DHAMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE HIRSHABELLE
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabelle ayaa maanta ku qabatay Magaalada Jowhar, Caasimadda Dowladda Hirshabelle tababarka.
12 Oct, 2025
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabelle ayaa maanta ku qabatay Magaalada Jowhar, Caasimadda Dowladda Hirshabelle tababarka Xuquuqda HLP, Siyaasadaha, iyo Shuruucda: hagaha wax ku oolka ah ee loogu talagalay Dowladaha Hoose ee la shaqeeya Bulshooyinka uu Barakacu Saameeyey. Kulankaas waxaa kasoo qeyb galay guddi hoosaadka iyo Agaasinka Arrimaha Bulshada Golaha Deegaanka Degmada Jowhar, Horjoogyaasha qaar ka mid Kaamamka Barakayaasha, qaar ja mid ah shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Degmada Jowhar. Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle mudane Nur Hassan Muse ayaa furay Tababarka isagoo kula dardaarmay ka qeyb galayaasha in ay si buuxda uga faa’iidaystaan tababarkan, su’aalo waydiiyaan, fikrado wadaagaan, iyo in la abuuro is-faham iyo iskaashi dhow oo u dhexeeya dhammaan la-hawlgalayaasha iyo Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar, gaar ahaan guddiga iyo agaasinka Arrimaha Bulshada. DHAMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE HIRSHABELLE Email: ictdepartment@moi.hs.so
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabelle ayaa maanta ku qabatay Magaalada Jowhar, Caasimadda Dowladda Hirshabelle tababar
09 Oct, 2025
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabelle ayaa maanta ku qabatay Magaalada Jowhar, Caasimadda Dowladda Hirshabelle tababarka Wax soo iibsiga guddiga Iibka ee Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar (Procurement Committee Training) Kulankaas waxaa kasoo qeyb galay xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Jowhar, Maamulka Degmada Jowhar, iyo agaasinada waaxyaha Degmada Jowhar Tababarkan ayaa ujeedadiisu aheyd in la dhiso tayada farsamo iyo habraac ee guddiga Iibka degmada Jowhar iyo shaqaalaha degmada si loo xaqiijiyo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo hab dhaqanka wax iibsiga ee howlaha dowladda hoose. Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle mudane Nur Hassan Muse oo ay wehliyaan Duqa Caasimadda Mudane Cismaan Maxamed Mukhtar (Baareey), Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar, mudane Maxamed Abuukar Cali ayaa furay Tababarka. DHAMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE HIRSHABELLE Email: ictdepartment@moi.hs.so
No preview available
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa ka qeyb galay tababar ka dhacay Magaalada Naorobi Taariikhda markii ay aheyd 22 ilaa 27 September 2025
27 Sep, 2025
  • Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa ka qeyb galay tababar ka dhacay Magaalada Naorobi Taariikhda markii ay aheyd 22 ilaa 27 September 2025 Tababarkaas waxaa kasoo qeyb galay xafiiska raiisul wasaaraha XFS, Xubno Baarlamaanka Federaalka, wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada iyo Agaasimayaasha Madaxtooyooyinka. Kulanka wuxuu ku saabsanaa furfurista awoodaha heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka. NCC
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar kulan Tababar ah ugu qabatay gudiyada kormeerka bulshada ee Magaalada Jowhar .
23 Sep, 2025
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar kulan Tababar ah ugu qabatay gudiyada kormeerka bulshada ee Magaalada Jowhar . Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar mudane Maxamed Abuukar Cali ayaa daahfuray kulanka waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Gudiyada kormeerka Bulshada . DHAMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE HIRSHABELLE