Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa maanta Degmada Balcad ku qabatay kulan lagu ansixinayey
11 Dec, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa maanta Degmada Balcad ku qabatay kulan lagu ansixinayey Qorshaha Hortabinta Degmada Balcad.(District Planning Priorities- DPP)
Ujeedada kulanka waa in aan si wadajir ah u hubinno in qorshaha hortabinta:
• U hoggaansamo baahiyaha dhabta ah ee bulshada,
• Ka jawaabo caqabadaha degmada heysta,
• Furo fursado horumarineed,
• Isla markaana uu noqdo mid lagu kalsoonaan karo oo lagu fulin karo si wax ku ool ah.
Kulanka waxaa ka soo qeybgalay dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada, dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, culimada, maamulka degmada iyo teamka farsamada oo uu hormuud u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Hirshabelle Mudane Nuur Xasan Sheekh Muuse oo ay wehliyeen la taliyaal farsamo ayaa ka qeybgalay shirka anisixinta habraacyada
10 Dec, 2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Hirshabelle Mudane Nuur Xasan Sheekh Muuse oo ay wehliyeen la taliyaal farsamo ayaa ka qeybgalay shirka anisixinta habraacyada Adeegbixinta taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo howlaha adeeg-bixinta iyo isku-duwidda Dowladaha Hoose.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay dhammaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedyada, iyo sidoo kale kooxo farsamo oo ka socday heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.
Agaasimaha Guud ayaa ku daray dukuntiga taladiisa iyo faalladiisa qodobada qaar.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle mudane Abdirahman Dahir Guure (Karoore) oo ay weliyaan Agaasimaha Guud
08 Dec, 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle mudane Abdirahman Dahir Guure (Karoore) oo ay weliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle Mudane Nur Hassan Sheikh Muse iyo la taliyaal farsamo ayaa maanta ka qeyb galay kulanka Iskuduwidda howlaha Dowladaha Hoose.
Shirkan oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiinta labada heer ee dowladda, khubaro dowladaha hoose, bahwadaagta dowlaha hoose taageera, iyo xubnaha beesha caalamka iyo Qaar ka mid ah safaaradaha dalalka Caalamka.
Kulanka inta uu socday waxaa lagu soo banshigay howlihii ka qabsoomay shaqooyinka Dowladaha hoose ee Dalka, caqabadaha iyo qorshayaalka 2026 ee wasaaradaha iyadoo hoosta laga xariiiqay muhiimadda ay leedahay u qareemidda kheyraad dheeraad ah oo kor loogu qaadi karo fulinta howlahaa muhiimka ah ee Dowladaha Hoose.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Hirshabelle Mudane Abdirahmaan Dahir Guure (Karoore) oo madasha ka hadlay ayaa ku carabka ku adkeeyaymuhiimadda ay leedahay helidda taageerada loo baahanyahay ee Dowladaha Hoose isagoo hoosta ka xariiqay guulaha laga gaaray Mashruuca Dowlad Kaab ee ka shaqeynayay Caasimadda Hirshabelle, Jowhar
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirsahbelle Mudane Nur Hassan Sheikh Muse ayaa ka qeyb galay “KULANKA DHAMEYSTIRKA QABYA-
07 Dec, 2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirsahbelle Mudane Nur Hassan Sheikh Muse ayaa ka qeyb galay “KULANKA DHAMEYSTIRKA QABYA-QORAALKA XEERKA DHISMAHA URURKA DOWLADAHA HOOSE EE SOOMAALIYA (SOLGA)”.
Kulanka waxaa kasoo qaybgalay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Jubaland, iyo Galmudug iyo Agaasimaha Guud ee MOIFAR FGS, kooxo farsamo, Gudoomiyaha Degmada Cadaado, Guddoomiye-ku-xigeennada Kismaayo iyo Jowhar, wakiillo ka socday Gobolka Banaadir iyo hawl wadeennada Wasarahadaha Arrimaha Gudaha heer Federaal & Dowlad Goboleed iyo Hay’adda UN-Habitat Mashruuca Dowlad-Kaab.
Shirku wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu dhameystirayo qaab-dhismeedka SOLGA si uu u noqdo urur mideeya dowladaha Hoose ee Dalka.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle, Mudane Liibaan Cabdirahmaan Ali ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xarunta Hay’adda NIRA ee degmada Buuloburte.
06 Dec, 2025
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle, Mudane Liibaan Cabdirahmaan Ali ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xarunta Hay’adda NIRA ee degmada Buuloburte.
Ujeeddada booqashadan ayaa ahayd inuu si toos ah ugu kuur galo habka ay u socdaan howlaha diiwaangelinta iyo soo saarista Aqoonsiga Qaranka, oo ah adeeg aad muhiim ugu ah bulshada degmada iyo guud ahaan shacabka Hirshabelle.
Intii uu ku sugnaa xarunta, Wasiir-ku-xigeenku waxa uu kulan muhiim ah la qaatay maamulka iyo shaqaalaha NIRA, kuwaas oo uga warbixiyay heerka shaqo, caqabadaha jira, iyo dadaallada lagu horumarinayo bixinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka, Waxa uu ku ammaanay shaqaalaha sida ay u wadaan hawsha, isaga oo adkeeyay in dowladdu ka go’an tahay dardargelinta iyo tayeynta adeegyada muwaadiniinta loo qabto.
Wasiir-ku-xigeenku wuxuu bulshada Buuloburte ugu baaqay inay qaataan Aqoonsiga Qaranka (ID), maadaama uu muhiim u yahay helidda adeegyada dowladda, sugidda amniga iyo in la helo nidaam dowladnimo oo hufan.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee lagu xoojinayo hay’adaha dowladeed, korna loogu qaadayo adeegyada ay bulshada u qabtaan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabelle ayaa maanta ku qabatay Magaalada Jowhar, Caasimadda Dowladda Hirshabelle tababarka Wax soo iibsiga guddiga Iibka ee Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar (Procurement Committee Training)
Kulankaas waxaa kasoo qeyb galay xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Jowhar, Maamulka Degmada Jowhar, iyo agaasinada waaxyaha Degmada Jowhar
Tababarkan ayaa ujeedadiisu aheyd in la dhiso tayada farsamo iyo habraac ee guddiga Iibka degmada Jowhar iyo shaqaalaha degmada si loo xaqiijiyo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo hab dhaqanka wax iibsiga ee howlaha dowladda hoose.
Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle mudane Nur Hassan Muse oo ay wehliyaan Duqa Caasimadda Mudane Cismaan Maxamed Mukhtar (Baareey), Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar, mudane Maxamed Abuukar Cali ayaa furay Tababarka.
DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA
ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
HIRSHABELLE
Email: ictdepartment@moi.hs.so
No preview available
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa ka qeyb galay tababar ka dhacay Magaalada Naorobi Taariikhda markii ay aheyd 22 ilaa 27 September 2025
27 Sep, 2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa ka qeyb galay tababar ka dhacay Magaalada Naorobi Taariikhda markii ay aheyd 22 ilaa 27 September 2025
Tababarkaas waxaa kasoo qeyb galay xafiiska raiisul wasaaraha XFS, Xubno Baarlamaanka Federaalka, wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada iyo Agaasimayaasha Madaxtooyooyinka.
Kulanka wuxuu ku saabsanaa furfurista awoodaha heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka. NCC